Aagga Daraasadda

Dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed
Waxaan kaa caawin karnaa inaad dhisto ama aad xoojiso kobaca ganacsigaaga si aad u garab istaagto bulshadeena! barnaamijkaan waxa loo diyaariyey dhamaan wixii ganacsade afka soomaaliga ku hadla una baahan in uu barto xisaabaadka, gaadiidka iyo maareynta shaqaalaha uu ganacsigu leeyahay.
Icon of speech bubbles

Baruhu (macalinku) waa mid afka soomaaliga ku hadla, islamarahaantaana le xirfad ganacsi oo aad u xeel dheer

Icon of a conversation between two people

Ardeyda lagama rabo in ay haystaan shahaado dugsi sare ah

Icon of a diploma or award

Wax barasho ka jawaabeysa baahidaada waa mid aad naga heli karto

Icon of a bag of money

Deeq waxbarasho!

Deeq waxbarasho oo u diyaar ah dhamaan ardeyda ku nool Colorado.*

https://morgancc.formstack.com/forms/multiculturalentrepreneurshipscholarship_somali

*Qofka ardeyga ah waa in uu ku noolaa Colorado 12kii bilood ee la soo dhaafey si loogu aqoonsanaan karo in uu yahay qof dagan gobolka Colorado. Waa in uu buuxiyo deeqda wax barasho ee dowlada loona yaqaan magaceeda FAFSA. Deeqda wax barasho waxa ay dabooli doontaa kharashka tacaliinta waa hadii aan caawimaad kale aysan jirin. Fadlan la xidhiidh xafiiska yaga u qaabilsan dhanka kharashaadka ama deeqda wax barasho.

Meet the Faculty

MCC staff member Mo Darar

Faculty

Mo Darar

Mo Darar waa bare horey u soo dhigey takhasusyo kala gaddisan oo ku saabsan halka xidhiidhka caalamiga ah, dhaqaalaha iyo siyaasada. soona dhiga jirey Aims Community College. Waxa uu si gaar ah ula shaqeeyaa jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Fort Morgan.

Ka dooro shahaado

Ka dooro mid ka mid ah shahaadooyinka yaga, ka dib sii biirso tacaliinta oo xirfadaada kobci si aad u horow mariso ganacsigaaga.

Ganacsiga miyiga

Shahaado hal sano ah kuna saabsan maareynta xirfada cusub ee ganacsiga. Waxaad ku baran doontaa cilmi baadhida iyo abuurida mashruuc ganacsi iyo habka loo isticmaalo tegnolojiyadda cusub.

Shahaadada

Falanqeynta maaliyadeed

Shahaado hal sano ah oo ku saabsan falanqeynta
maaliyadeed iyo kobaca ganacsiga. diyaarinta iyo faalaynta warbixinnada maaliyadeed waxa ay kuu tilmaami doonaan halka oo wax soosaarka ganacsigaagu taaganyahay.

Shahaadada
Diiwaan galinta iyo qorsheynta ganacsiga

Shahaado hal sano ah oo ku saabsan qorsheynta
ganacsiga iyo qaabka loogu maareeyo xisaabta aalada kampuyuutarka. Xooga waxa la saari doonaa qaabka loogu diyaarin lahaa xisaab saxsan kampuyuurta, ereyada kambuyuurtarka, fikrada xisaabaadka iyo qorshe u dajinta kambuyuutarka.

Shahaadada
Harow marinta qorshaha suuqa

Shahaado hal sano ah oo ku saabsan
istaraatiijiyada suuqa, qiimeynta shaqada iyo shirkadaha, iibiska, maareynta dhibaatooyinka suuqa. Ereyada (loo isticmaalo) suuq galinta (alaabta), cilmi baadhida suuqa, falanqeynta iyo istaraatiijiyada suuq galiska (alaabta).

Shahaadada

Shahaadooyin (tacaliinta) heerka sare ah ood ka dooran karto

Suuqeynta badeecadaha

Suuqeynta Badeecadaha waxa ay tahay shahaado hal sano ah. (18 saacadood). Shahaadadan waxa ay xooga saareysaa sidii aad ugu qorsheyn lahayd suuqeynta (badeecadda) iyo dhimista kharashka wax soo saarka. Xooga waxa la saari doonaa qorsheynta suuq galinta iyo wax barasho la xidhiidha dhanka lacagta, mustaqbalka, khiyaaraadka, heshiishka gudbinta (alaabaha) iyo isbed-bedelka qiimaha suuqa. Waxa kale oo xooga la saarayaa xisaabinta shirkaddaha iyo isbed-bedelka wax soosaarka

Maareynta ganacsiga sare

Shahaadadan waa mid hal sano ah waxana ay xooga saareysaa kordhinta aqoonta maareynta ee sare, iyadoo loo eegayo khiddada ganacsi, helida in la dhimmi karo halista (ganacsiga soo food saari karta). Iyo falanqeyn xisaabaadka oo xeel dheer.

Maareynta iyo laamaheega kala gadisan

Tani waa shahaado hal sano ah (18 saacadood) xoogana saareysa isdhex gashiga macluumaadka iyo tognoloogiyada ganacsiga. Cilmi baadhida macluumaadka iyo barnaamijyada loo adeegsado ganacsiga iyo warshadaha waxa ay tilmaamaan horowmarinta maareynta (ganacsiga). Iyada oo loo irkan doono isticmaalka barnaamijyada iyo macluumaadka lana adeegsan doono isticmaalka tegnoloogiyada cusub.

Hogaaminta iyo maareynta shaqaalaha

Shahaadadan waa iyadna mid hal sano ah xoogana saareysa hogaanka wanaagsan iyo maareynta shaqaalaha uu ganacsigu yeelan karo. Ogaashaha xirfadaha wanaagsan ee hoggaamiyaha, anshaxa wanaagsan iyo barashada qalabka kala gadisan ee maareynta shaqaaluhu waxa ay dhibyareynayaan qiimeynta iyo falanqeynta ganacsiga. Diyaarinta iyo qiimeynta hoggaanku uu u yeelan karo ganacsigana waa laga hadli doonaa.

Wax soosaarka webseytka iyo ka faaiideysigiisa

Shahaadadan waa iyadna mid hal sano ah (18 saacadood) loona abuurey in ay kordhin karto aqoontaada ku saabsan maareynta ganacsiga iyada oo loo adeegsan doono aqoonta aad u leedahay isticmaalka internetka si aad wax soosaar uga dhalisid. Isticmaalka qalabka diyaarsan, awoodaada farsamo iyo diyaarinta webseyt ganacsi dhamaan waa lagu dhigan doonaa.

Lama ogala waana sharci daro in lagu cunsuriyadeeyo ardey ama shaqaale ka tirsan Morgan Community College, jinsigiisa, qoladiisa, midabkiisa, asalkiisa, caqligiisa, muuqiisa, diintiisa, kaalintiisa askariyadeed, macluumaadkiisa, jinsigiisa, ama in ruuxu ay ruux lamaan tahay, marka uu guddanayo waajibkiisa shaqaale iyo tiisa tacaliinimaba. Afka ingiriisku shardi ma ahan in qofku uu ka faaiideysan karo tacaliintan. wixii war bixin dheeraad ah fadlan booqo websaytka ah http://www.MorganCC.edu/about-mcc/legal-notices.